X

Dhacdada nin lagala baxay isbitaal uu jiifay oo xabsi la geeyay kuna dhintey Muqdisho

Qoyska wiil dhalinyara oo isbitaal jiifa oo taliyaha asluubta kala baxay una qaaday xabsi kadibna ku geeriyooday xabsiga 24 saac kadib aya qaylo dhaan u direy madaxda qaranka. Lama garan karo waxa taliyaha u geeyay inuu ku dhaqmo dhaqan foolxun oo sidana.


Xataa waxa laga duubey ayadoo lagu qaadayo gaariga asluubta loona qaadayo xabsiga. Qoyskani ma sheegin waxa uu gaystey waxa wiilkan oo aad u xanuusan markiisii hore uu gaystey ee kaliftey in sidan loola dhaqmo.

Qoyska Marxuumka ayaa Dowladda ka codsaday in lasoo qabto taliye Xirsiile isla markaasna laga qaado garaadaha u xiran lagana qaado magdhowga marxuumka geeriyooday.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.