Magaalada muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan oo uu ku kacay nin xoolo lagu aaminay oo aanad filayn in sidan uu ula dhaqmey.
Waxaanay arintani ka dhacday geerash ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo ah mid inta badan xoolaha lagu xisaabiyo.
Waxaana xoolahan la xisaabinayay ee goobtaasi ku xareysnaa ay ahaayeen Lo, laga soo celiyay dalka Sucuudiga.
Koox wariyayaal iyo wax-garad isugu jira oo goobtaasi tagay ayaa waxaa ay sheegeen in ay indhahooda ku soo arkeen Lo, gaajo darteed is cuneysa ka dib markii ay waday wax ay cunto.
Midka ka mida wariyayaasha goobtaasi tagay ayaa ka waramaya wixii uu indhihiisa ku soo arkey waxaanu yidhi “Intii aan ku sugnaa goobtan lagu xareeyo Lo’da waxaa ay indhaheygu qabteen, Lo’da goobtaasi ku xareysneyd oo qaarkood gaajo darteed iscunayeen, qaar ay naftu ka sii baxayso iyo kuwo bakhtiyay oo dhulka daadsana”
Waa dhacdo tii uGu xumeyd uGu inkaarsanayd ee uu ku kaco qof masuula xoolo nool oo la rabay in uu fuliyo waxay cuni lahaayeen.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay