Dhacdo aad ka naxayso ayaa ka dhacday dalkaasi Hungari ee qaarada Yurub kadib markii ciidanka booliisku joojiyeen tareen ay saarnaayeen qoxooti Muslimiina oo yoolkoodu ahaa in ay gaaraan dalalka Jarmalka ama Sweden oo iyagu ah kuwa hadda qaabila qoxootiga Muslimiinta u badan ee ka soo cararya dagaalada argagixisadu ka wado dhulkooda.
Tareenkan ayaa la ogaaday in ay saran yihiin qoxooti aad u farabadan waxana lagu joojiyay goob aan xadka ka fogeyn si dadka ku jira ee qoxootiga ah loo marsiiyo sharciga Yurub u yaala ee ah in magangalyo doonku iska dhiibo dalka ugu horeeya..Sharcigaas oo Jarmalku hadda joojiyay.
Qoxootigan oo Muslimiin Siiriyana u badnaa ayaa waxa dhacday in haweenay ka mida ay diidey in faraha laga qaado kadibna iyada iyo ilmaheda ayaa ku dhacay birta tareenku maro..Waxana goobtaasi ka dhacday fal laga argagaxo iyadoo ujeedada booliisku tahay in sharciga raacaan halka haweenaydan Muslimka ahi ayna rabin in wadan gaajo ah uu faraheeda qaado.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
![WP_20150903_023[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/WP_20150903_0231-300x169.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay