X

Dhacdo argagax leh: Gabadh Hargeysa lagu diley kadib markii la kufsaday

Dumaashida Hinda Cumar oo habeenkii Khamiistii lagu diley magaalada Hargeysa ayaa saxaafada uga warantey markii ugu dambeysay gabadha. ”Waxaan Hinda bas ka saaray xaafada markay saacadu ahayd sideedii iyo afartan waxayna ku socotey xaafada Qudhac dheer ayay tiri dumaashidu.


Waxa baska huruuda ah fuushanaa dirawalka iyo caawiyaha oo keliya markay fuushay ayay raacisay kadibna waxa la ii soo sheegay abaaro sagaalkii inay meyd ahaan u taalo isbitaalka. Waxana loo xaqiijay in kufsina loo gaystay intaan la dilin kahor.

”Waxa gabadha oo dhaawaca laga helay wado ka baxsan halka gaadhiga aan saaray u socda, waxana la helay iyada oo qudha ayay tiri. Saacado kadib ayay Hinda ku dhimatey isbitaalka.


Gabdho kale oo iyagu ahaa kuwii ugu horeeyay meydka Hinda ayaa sheegay inay qoorta maro ugu duubnayd oo wada dhiig ahayd markii la qaaday. Waxase lagu guulaystey in la cadeeyo wadaha iyo caawiyaha baskaa huruuda oo iyagu markii la qabtey sheegay inay ogaayeen laakiin ayna garanayn waxa ay ku tilmaameen sida ay baska uga dhacday.


Dhacdadan cadaanka ah ee foosha xun ayaa intabadan ku dhamaata qabiil halkii ay ahayd in qoorta loo dheereeyo si gabdhaha kale u badbaadaan.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee noocana oo ka dhacda Hargeysa ayadoo dhacdooyin foolxun oo noocana looga bartey Koofurta iyo bartmaha dalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.