X

Afar xisbi oo ka dhisan Somali galbeed oo furtey madal doorashada uga hadlaan

Afarta xisbi ee ka dhisan Somali galbeed ayaa isku raacay inay dhistaan madal ay isku arkaan oo ay uga doodaan doorashada sidii ay ugu dhici lahayd daah furnaan. Doorashada Somali galbeed ayaa dhici doonta bisha sagaaleed ee sanadkan.


Ma dhicin doorasho bishii ina soo dhaaftey sababo la xiriirta cabashooyin xad-dhaafa iyo musuq laga dareemay deegaanada qaar. Waxana loo balansan yahay in madashan noqoto midii looga doodi lahaa caqabadaha jira.


Afarta xisbi ee isku arki doona madashan ayaa waxa ku jira xisbiga Barwaaqo, xisbiga Xoreynta Ogaadeenka ama ONLF, Xisbiga xoriyada iyo cadaalada iyo Xisbiga dimoqraadiga ee Somali galbeed.

Doorashada ayaa dhici 6-da bisha Sibtambar.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.