X

Dhacdo argagax leh: Gabadh yar oo si arxan daro ah loogu diley Boosaaso

Waxa la helay meydka gabadh yar oo si laga argagaxay loogu diley xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso. Meydka gabadhan yar oo lagu qiyaasay ilaa 7 jir ayaa duhurnimadii maanta halkaas laga helay.


Dadka xaafada iyo kuwa kale ayaa si weyn uga argagaxay dhacdadan foosga xun. Gabadha ayaa waxa wejigeeda ka muuqday nabaro waaweyn oo loo malaynayo kuwa ay aakhirkii u dhimatey.

Gabadhan oo welli la aqoonsan ayaa loola cararay isbitaalka magaalada halkaas oo dad farabadan ku soo xoomeen si ay u xaqiijiyaan inayna ahayn gabadhooda ama gartaan.


Booliiska ayaa garann la ila hadda meel uu wax ka bilaabo ilaa la xaqiijiyo cida gabadha yar waalid u ah iyo halka ay deganayd.

Dhacdadan ayaa dadku ka anfariireen, dhaqana maaha in caruurta yar sidaa loo dilo ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.