24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dhacdo argagax leh: Lix caruura iyo ayaydood oo halmeel lagu toogtay ka dibna lawada gubay

Dhacdo ARGAGAX LEH ayaa waxa ay ka dhacday Gobolka Shabelaha hoose kadib markii Kooxo hubaysan xalay deegaanka Siinay ee u dhaxeeya Magaalada Marka iyo Deegaanka Shalaanbood ay ku dileen 7 ruux.

Dadka la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen Lix caruur ah iyo Ayeeydood oo lagu magacaabi jiray Khadiija Nuur Maxamed, waxaana lagu weeraray gurigooda oo deegaanka Siinaay ku yaal, iyadoo weerarkaasi ay ka badbaaday Hooyada dhashay caruurta la laayay.

Kooxaha hubaysan ayaa dadkaan ku dilay rasaas xoogan oo ay ku fureen, kadibna waxa ay dab qabadsiiyeen aqalkii ay deganaayeen reerka la dilay, iyadoo sidoo kale Kooxaha hubaysan ay halkaasi ku laayeen Xoolo ay reerkaasi lahaayeen.

Amuurtaan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen inay tahay arin naxdin badan, maadaama dadka la dilay ay ahaayeen hal qoys oo hal guri deganaa, kuwaasi oo masiibadan xalay ay qabsatay.

Ruux ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafada uga waramay arintaan ayaa sheegay sababta loo dilay dadkaan inay tahay arimo ku aadan dhanka Qabaa’ilka maadaama Gobolka Shabelaha hoose deegaano ka tirsan ay jiraan beegsi dhanka qabiilka ah oo ay isku hayaan labo beelood oo halkaasi wada daga.

“Dadka la dilay waa 7 ruux lix caruur ah iyo Ayeeydood, kuligood waa dhinteen Xabado ayaa lagu furay, dadka dilay waa la yaqaanaa arintaan arin qabiil waaye waji kale ayeey yeelatay, Hooyada dhashay caruurta weerarka wey ka badbaaday waa ay carartay, Nimanka sidan wax yeelay xitaa waxa ay gubeen guryihii dadkaan ay deganaayeen oo cariishad ahaa, xoolihii waa ay gubeen waana ay baxeen, dadka sidan wax yeelay waa la yaqaanaa meelaha ay ka soo baxeen iyo waxa ay yihiin, arintaan waa laga fariisanaa waji kale ayeey yeelatay.” Ayuu  yiri ruux ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadan oo dhacday xalay 11:00 Habeenimo ayaa la sheegayaa ragii ka dambeeyay inay halkaasi si nabadgelyo ah uga baxsadeen, waxaana arintaan ay tahay mid masiibo ah.

Saaka ayaa lagu wadaa in lagu aaso dadkaan meydkooda Deegaanka dhacdada ay ka dhacday ee Siinaay, halkaasi oo ay daganaayeen Lixda caruurta ah iyo Ayeeydood ee la laayay.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabelaha hoose, ayaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dilalka qorsheysan ee salka ku haayo arimaha Qabiilka ee Gobolkaasi sida xun uga dhaca.

Hoos ka dhegeyso

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS