23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dhacdo argagax leh oo ka dhacdey deegaan Ka mid ah Khaatumo

Deegaanka xamar lagu xidh ee gobolka cayn ayaa habeenimadii xalay waxaa ka dhacday fal argagax galiyay shacabka khaatumo guud ahaana ugub ku ah deegaanka khaatumo.

Dadka deegaanka saaka ayaa sheegay in caabara 10 habeenimo xalay uu nin lagu magacabi ina Kahlif uu aqalkiisa aaday kadibna xaaskiisa toorey kala daalay kaasi oo markii danbe gabadh jaarka ah oo damacday in ay ka qabato iyadna galiyay toori.

Intaas kadib isagii ayaa is galiyay tooray waxaana uu u cararay dhankaasi iyo Qararo oo ka tirsan isla Sool isagoo tooray uu isku dhuftay ay kutaal oo dhiig ka horaayo.

Dadka deegaanka oo raadkiisa raacay ayaa ugu tegay maydkiisa isago barked isku tuuray. Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu horeeysay ee deegaanka ka dhacda in inta qof dilo xaaskiisa uu isna isdilo.

Waxaana haatan lagu dabiibayaa Buuhoodle labo haween ah oo uu ninkaasi is dilay  galiyay toorey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS