X

Dhacdo foolxun oo uguba oo ka dhacday dalka fiqiirka ah ee Afgaanistaan iyo sadex jir la kufsaday

Kabul 20 Nov 2014–Dhacdo uguba oo dad badan aad uga naxeen ayaa ka dhacday dalka fiqiirka ah ee Afgaanistaan kadib markii sadex jir uu kufsaday nin ay dadka reer Afgaanistaan ku tilmaameen in aanu ahaynba bani aadam. Dhacdadan foosha xun ayaa ka dhacday gobol ku yaala bartamaha Afgaanistaan.Gabadhan yar ee sadex jirka ah ayaa la sheegay in xaaladeedu xuntahay waxana loo soo qaaday isbitaal ku yaala caasimada si arinkeeda loo dadajiyo.

Dadka reer Afgaanistaan ayaa cadaalad xumo googoysay waxana laga baqayaa in ninka gaystay falkan foosha xun la sii daayo waana sababta loo keenay Kabul si ay u hesho cadaalad iyo daawo.

Ninkan ayaa la sheegayaa in qoyska uu la yahay qaraabo xilliga falkan uu dhacayayna ma joogin aabaha iyo hooyada dhalay waxana la sheegay in sadex jirku ku ciyaaraysay dibedda.

Afgaanistaan ayay halis tahay in dumarku baxaan siiba gobolada jahligu googooyay ee bartamaha dalka.

Aabaha dhalay ayaa ku dhaartay in uu dili doono inta ka hadhay qoyskiisa haddii aan cadaalada la marsiin ninka falka gaystay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.