X

Dhacdo laga argagaxay oo ka dhacdey Muqdisho

Dhacdo aad looga argagaxay ayaa ka dhacdey magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka Dayniile ayaa sheegay in gavadh laba bilood jirta lagu gowracay halkaasi. Hooyada dhashay ilmaha ayay ku dhacdey naxfin tii ugu weynayd.


Ehelada la dhalatey hooyada ilmaha laga gowracay ayaa xaqiijay dhacdadaan foosha xun oo dadka dhan ka argagaxeen.

Hooyo Asma Maxamed Cabdi oo dhashay gabadh yar ee la gowracay ayaa la sheegay in ay Muddo  la dagaashay ninka balse uu  ugu dambeyntii loo xoog sheegtay. Maadaama dad waalan suuqa joogaan dalkii dhan lama garanayo ninkaan waxa ku kalifay inuu gaysto dembi sidaa u weyn weliba ilmo saqiira


Ciidanka Ammaanka dowladda ayaa tagay guriga ay ka dhacdadaan, kuma guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan ninkii geystay Falkaan Maadaama uu goobta ka baxsaday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.