X

Nin kabo ka xaday masaajid oo la marsiiyay ciqaab aan hore u dhicin

Nin kabo ka xaday masjid ku yaala dalkaasi Kiiniya gaar ahaan gobolka Mambaasa ayaa la marsiiyay ciqaab aan hore loo arkin. Xadida kabaha dadku ku tukada masaajuda ayaa ku badan dalalka Muslimka ah.


Sida la baahiyay ninkan oo nin dhalinyara ayaa lagu qabtey isagoo xadaya kabo uu leeyahay qofkale oo masjidka ku tukanaayay, waxana la keenay masjidks hortiisa.

Waxaa uu qirtay inuu kabaha ka xado masaajidyada, isla markaana uu u geeyo nin kale oo uu sheegay inuu qiimo jaban ku iibiyo. Markii la qabtey ayaa lagu qasbey inuu cuno basbaas.


“Hadii aad basbaaska dhameyso waad fasaxantahay, si fiican u ruug” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku sugnaa goobta, sida uu muujinayo muuqaalka baraha bulshada la soo

Dadka ku dhaqan dalka Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya arintan, iyagoo qaarkood ay soo dhaweynayaan, halka qaar kale ay arrintan ku tilmaameen mid ka baxsan bani’adanimada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.