X

Dhacdo naxdinleh: Hooyo laba caruura ku tuurtey webi dalkaasi Ciraaq

Dhacdo aad looga argagaxay ayaa ka dhacday dalkaasi Ciraaq qaasatan caasimada Baqdaad kadib markii hooyo xanaaqsan ay labadeeda caruura ku tuurtey webiga Tigriis ee mara bartamaha magaalada.

Dhacdadan laga naxay oo aad looga hadal hayo aduunka Carabta ayaa booliisku sheegay inay qabteen hooyadaas haddana lau baadi jiro sidii loo heli lahaa caruurtaas oo la aaminsan yahay inay dhinteen.


Hooyada dhashay labada caruura ayaa la sheegay in ninkeeda uu furey kadibna uu uga guulaystey in uu isagu hayo labada caruura taas bedelkeedana ay garatey inay nafta ka qaado.

”Waa arin ay muddo ka shaqaynaysay ayuu yiri ehelada labada caruura waayo furiinka iyo dilka caruurta waxa u dhaxaysay laba bilood.


Waxa webiga dushiisa lagu arkey aabaha dhalay caruurta iyo eheladiisa oo oynaya garana la in la helayo meydkooda iyo in kale. Labada caruura ayaa midna ahaa 3 jir wiila halka kan kalana ahaan 2 jir gabadha.

Ninka caruurta dhalay ayaa xaaskiisa dishey labadiisa caruur ku helay nin kale oo jeclayd kadibna intuu gacanta qabtey ayuu u geeyay qoyskeeda una sheegay inuu maxkamad ku furi doono.

Si kastaba ha ahaatee waxa aad looga naxay caruurta aan waxba galabsan ee ay naftooda qaaday.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.