X

Dhacdo naxdinleh iyo hooyo si naxdinleh u dhimatey ilmaheediina badbaadisey dalkaasi Shiinaha: FIIRSO

Dhacdo aad u naxdin badan ayaa ka dhacday dalkaasi Shiinaha halkaasoo hooyo Shiine ah iyo ilmaheeda oo kor u soo fuuley jaranjarta ku shaqaysa korontada ay markaasi la duntey intii u dambeysay. Hooyada ayaa ilmaheeda hore u sii tuurtey waxase nasiib daro noqotey in iyadii ayna ka badbaadin oo qaybta kale ee jaranjarada ee socota ay ku soo gaartey sidaana u gacan gashay mishiinada wada.

Baadhitaan la sameeyay ayaa la ogaadey in jaranjartan ku socota korontada oo aad looga isticmaalo suuqyada aduunka baryahan dambe uun la dayactirey mar aan sidaa u fogeyn laakiin la ogaadey in aan la xidhin qaybta looga dhaadhaco mishiinada oo aan la giijin baloonada taas oo keentay in ay furtaan.

Hooyada ayaa waxa agjoogey shaqaale ka shaqeynayay tukaanka ay ka dhacdey mashaqadan inkastoo ay gacan la gaareen laakiin hadana qaybta kale ee jaranjarada oo soo socota awgeed ayna u saamixin in ay badbaadiyaan.

Aakhirkii waxa xaga hoose loogu tagey hooyadii oo aan nafi ku jirin. Lamase garan karo in Shiinaha ay jiraan xuquuq marka ay dhacaan shilalka noocana ee la ilaaway qayb dhan oo ku xidhan badbaadada dadka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com

admin:

This website uses cookies.