X

Madaxweynihii hore ee Hindiya Cabdulkalam oo Hindiya ku daray quwadaha waaweyn oo geeriyoodey

Madaxweyne Cabdulkalam ayaa ahaa saynisyahan baray Hindiya sida lo sameeyo gantaalada ridada dheer kuwaas oo la saari karo awooda nukliyeerka ama naqaska sunta ah ee weyn ee u xun dadka iyo guryaha. Cabdulkalam ayaa madaxweyne ahaa mudadii 2002 ilaa 2007 wuxuna ku faani jirey heerka awood ee uu gaarsiiyay Hindiya oo hadda ka mida awoodaha dunida ee leh Nukliyeerkaas inkastoo dalku aad u fiqiiryahay.

Cabdulkalam oo Muslim ah ayaa hadana lagu xaman jirey in uu u dhaqmo sida Hindida iyadoo la sheegay in uu xafidsanaa buuga bugta ah ee Hindidu qorteen ee ayna isticmaalin waxa ku qoran.

Wuxuu qayb weyn ka qaatay qarxintii Hindiya qarxisey hubka nukliyeerka sanadii 1998 taas oo wadanka Bakistaan iyana ka jawaabtey qarxiseyna mid la mida oo uu isna sameeyay saynisyahanka Cabdulkhadiir.

Madaxweynihii hore ee Hindiya ayaa ku faani jirey in isagu yahay mid lagu sameeyay Hindiya maadaama aqoontiisa aan laga xaasidin uu ku bartey isla dalkiisa Hindiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.