X

Dhacdo naxdinleh: nin hayb sooc awgeed rag iyo haween ku dileen Muqdisho

Dhacdadii ugu naxdinta badneeyd ayaa ka dhacdey Muqdisho kadib markii nin si haybsooca awgeed rag iyo haween iswata ugu dileen xaafad ka tirsan magaalada. Ninkan ayaa u xoogsan jirey labadiisa xaas iyo 12 caruura oo ay u dhaleen.

Waxa weliba ninkaan loogu daray in la gubo jirkiisa. Dad goobjoogeyaal ah ayaa ka waramay sida dhacdada u dhacdey.


Marxuunka ayaa is yiri guriga ku soo carar waxase sugaayay laba ragga iyo sadex haweena oo ku bilaabey baangado ama saafaf halka markii dambe nin gaas ku shubey haweenayna ay kabriid qabadsiisey.


Dhacdadaan ayaa loo malaynayaa inay ka dhalatey wiil ka mida qoyska oo guursaday gabadh la dhalatay kuwa dilka gaystey, ayagoo ka xanaaqsan guurka xalaasha ah.

Waa dhacdadii ugu xanuunka badneyd oo qwof Muslim ah sidaas loogu galo hoygiisii. Marxuunka ayaa biilasn jirey caruurtiisa iyo labadiisa xaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.