X

Argagixiso jaamacad dhexdeed ku diley gabadh ardayad ah

Argagixiso jaamacad dhexdeed ku diley gabadh ardayada. Wararka aan ka helayno jaamacada la baxdey Somaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in argagixisada soo galeen jaamacada ayadoo aan la garanayn sida loogu ogolaadey.


Argagixisada ayaa u muuqda inay yaqaaneen halka gabadhu ku jirto waxayna toos u tageen Waxayna ku toogteen ayadoo fasalka ku dhexjirta.

Gabadhan iyo gabadh kale kaliya ayaa hablo ka ahaa qaybtan jaamacada oo ahayd qaybta shareecadda oo inta badan raggu bartaan laakiin lagu farxay in gabdhuhu bartaan diintooda qaasatan shareecada.


Waxa argagax xun ku dhacay ardeydii la dhiganaayay oo hortooda ku arkey ficilada kooxda gaalaynta muslimiinta.

Gabadha kooxda gaaleyntu xasuuqeen ayaa lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.