X

Dhacdo uguba oo argagaxa: gabadh dabaq laga soo tuurey Muqdisho kadib markii

Waxa dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka dhacday dhacdo argagax leh kadib markii gabadh laga soo tuurey dabaq siiba xaafada Waaberi. Dhacdadaan ayaa dhacday shalay galab.


Ehelada gabadha dabaqa laga soo tuurey markii la kufsaday kadib ayaa sheegay warbahinta u xaqiijay sida wax u dhaceen. Dhacdadaan argagaxa leh ayaan welli laamaha amnigu faahfaahin ka bixin.

Gabadha ayaa saaka lagu aasay magaalada, markii la hubsaday wixii dhacay gaar ahaan laamaha amnigu xaqiijeen kufsiga. ”Waa dhacdo aan dalka hore uga dhicin una eg kuwa sameeyay inay filimaan ka koobigareeyeen ayuu yiri Cali Calasow.


”Maaha wax qof ka suurtooba fayow, waxase dhici karta inuu yahay qof la garanayo ayuu raaciyay. Gabadha la kufsaday ayaa lagu magacaabi jirey Xamdi Maxamed Faarax waxayna ahayd 20 jir.

Ehelada gabadha oo waayay Xamdi shalay ayaa la soo wacay oo loo sheegay in meydkeedu yaalo isbitaalka. Xamdi ayaa ka timi  baadiyaha Galguduud, waxayna ka mid ahayd ardeydii sanadkan ka gudbey imtixaanka dugsiyada sare.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.