X

Keydka biyaha galbeedka Boorama oo la dhagax dhigey

Mashruuca Ingiriisku bixiyo lacagtiisa ee loo soo gabiyo afka qalaad SSDF oo macnaheedu yahay lacago la siiyo beesha dhexe ayaa maanta galbeedka Boorama looga dhagax dhigey biyaha magaaladu ka ooman tahay.


Boorama oo ay ku wareegsan yihiin biyo baaxadle oo dhulka hoostiisa ayaa ka aradan cunaqabatayn ay saartey beeshadhexe awgeed, halka siyaasiyiinta gobolku yihiin fadhiid iga ilaali ah reer hebel.

Magaalada ayaa ka cabrta laba ceel o gabaabsi jooga ayadoo baaxada magaaladu aad u sii korodhey. Ceelka awal laga cabi jirey ayaa loogu talogalay dad gaaraya 80 kun oo qof halka hadda magaaladu socoto ilaa 600 oo kun oo qof.


Dayaca gobolka haysta ayaa waxa ugu wacan siyaasiyiinta u kala orda beesha dhexe, halkaasn a ku noqotey geri go’an waxkasta Hargeysa u doonata.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.