Laba caruura oo walaalo ah ayaa la xaqiijay inay ku dhinteen goob ay u tageen dabaal oo ku taal duleedka Laascaanood. Wararka ayaa sheegaya in mid markii hore ku dhacay goob hog kan kalana is yiri ka soo saar laakiin isna ay liqdey.
Dhacdadan naxdinleh ah ayaa ka waramay goob joogeyaal sheegay in goobtani ay ahayd meel lagu dabaalan jirey. RAXMADA RABI ayaa sibxoogleh uga da’aysa dalkoo dhan, taas oo keentay in qiyaasii hore ee dabaashu sii dheeraato.
Inta badan ma jiraan dad qiyaasa dheerida biyaha ee caruurta iyo dadka waaweyn wey iska galaan biyaha, taas oo keenta dhimashada hadda oo kale dhacdey.
Caruurtan oo da’dooda lagu qiyaasay 8 iyo 9 jir ayaa isla goobta meel aan ka dheerayn lagu aasay. Maaha markii ugu horeysay ee caruur ku dhimato biyo taagan oo noocana.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS