Dhalashada rasuulkeena SCW ayaa sanadkan si weyn looga dabaaldegay aduunka xilli argagixisada laga biilo Sucuudiga ay welli wadaan xasuuqa ay ku hayaan Muslimiinta.
Waxaad is waydiin kartaa maxaa is bedelay. Wadamada sida adka ah looga ciidey waxa ka mida Bakistaan, Hindiya, Indooniisiya, Malaysiya, Carabta intooda badan iyo dhamaan Afrikada Muslimka ah.
Wadamada ugu fasaxa badan waxa ka mida Kuwayt oo sadex cisho dadku bilaabeen fasax. Yaman oo Sucuudigu hawada ka saaray ayaa laba maalmood fasax lagu jiraa halka wadamada Somaliya iyo Imaaraadka hal maalin fasax yihiin.
Wadamada aan la xusin mawliidka waxa ka mida Wahaabiyada/Salafiyiinta Sucuudiga iyo Qadar oo aduunka Muslimka hub isugu dhiibey kuna bixiya lacagtooda ugu badan faafinta Wahaabiyada.
Somaliya ayaa ka mid ahayd wadamada aadka looga dabaaldego waxase masaajidii la wareegay Wadaado Wahaabiyo ah oo Sucuudiga wax ku soo bartey ayagoo taageero ka helaya argagixisada cabsi galiyay dadka shacabka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay