November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dhalinta gobolka Awdal oo wacad ku maray in doorasho ka dhicin gobolka kadib

Waxa maanta magaalada Hargeysa ku kulmey odayaasha sheegta inay matalaan gobolka Awdal laakiin hore loogu hungoobay iyo horjoogaha maamulka Muuse Biixi iyo xisbiyadiisa halka jufo.



Kulan aan dheerayn kadib ayaa waxa batay odayada Muuse Biixi iyo xisbiyadiisa halka jufo ah u sheegay in gobolku doorasho ku galayn sida hadda la yahay ee si degdega loo diyaariyo sidii loo wadaagu lahaa maamulka.

Saxaafada beesha dhexe oo iyadna dhinaceeda dagaal kaga jirta ayay isku raaceen in Samaroon waxba ka maqneyn ee wax ku maqan yahay.



Si kastaba ha ahaatee halganka dhalinyarada oo hadda la isku dayaayo in la kala jabiyo ayaa si xawli uga socda gobolka mana jirto cid u joojinaysa odayada iyo shilimaadka ay Hargeysa ka keeneen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS