X

Dhalinyarada gobolada Awdal oo ka gadoodsan saami qaybsiga laysku tuurtuurey

Madaxweynaha Somaliland oo in muddo ahba aanu isagu gacanta ku haynin waxa ka dhacaya xukunka uu ku magacaaban yahay ayaa arinta saami qaybsiga ku wareejay xisbiyada maamulkiisa.

Muddo kadib waxa isku afgaran waayay ama talo ka soo saari waayay sadexda hogaamiye ee xisbiyada Somaliland oo hal beel ka soo wada jeeda, waxayna daraad dib iskaga soo riixeen dhinaca Siilaanyo.

Arintan ayay hadda gacanta ugu jirtaa gacanyaraha Siilaanyo Maxamuud Xaashi iyo xaaska Siilaanyo Aamina Waris oo iyagu maamula hawlaha maamulka Somaliland.

Hadaba dhalinyarada reer Awdal oo iyagu soo jeeda ayaa digniin ka direy in lagu ciyaaro arinta saami qaybsiga oo ay ku sheegeen in ay muhiim tahay. Waxay si cad u sheegeen in aan doorasho ka dhacayn gobolada Awdal haddii la sixi waayo cadaalad darada.

Dhalinyaradan ayaa muujiyay in ayna rajo wanaagsan ka sugeyn in Maxamuud Xaashi iyo Aamina Waris reer AWdal siiyaan kuraasta ay ku galayaan doorashada ee ka mateli kara dadka reer ADAL.

Waxay tilmaameen ra’yi ururin aan samaynay in maamulka Somaliland sheegan doonin gobolada Awdal, haddii xaqiraada ay wadaan beesha dhexe sidaa ku sii socoto, kuraasta goboladu xaqa u leeyihiina ayna gorgortan galayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.