X

Somalida Koofur Afrika oo la gubey ganacsigooda: SAWIRO

Somalida ku nool Koofur Afrika ayaa marwalba wadnaha farta ku haya in la weeraro ama lafahooda wax loo gaysto siba kuwa ganacsiga ku leh xaafadaha ay degan yihiin dadka madow.

Dukaamo ganacsi oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu gubay dalka South Africa, kuwa Kalena waa lagu boobay xilli la isku diyaarinayo doorashada dowladaha hoose ee dalka South Africa.

Xilli todobaad kaliya ay ka harsan tahay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalka Koofur Afrika ayaa magaalooyinka iyo gobolada kala duwan ee dalkaan South Africa waxaa ka dhacaya dambiyo kala duwan oo lala xariirinayo arimaha doorashooyinka ee diyaar garowka loogu jira.

Falalka laamaha amniga laga diiwaan galiyay waxaa ay isugu jiraan dilal,dhac ,iyo waliba rabshado lagu boobayo goobaha ganacsiga ee dadka ajaanibta ah iyo kuwa South Africaanka ah.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.