19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dhalinyaro Somaliyeed oo xabsi laga sii daayay Hindiya iyo tiradooda

Dhalinyaro Somaliyeed ayaa xabsi laga sii daayay Hindiya. Dhalinyaradan ayaa muddo ku xirnaa dalkaasdi Hindiya waxana lagu soo qabtey burcad badeednimo.



Maxaabiistan dhamaystey xukun ku dhacay ayaa gaaraya 15.

Wargeys ka soo baxa dalkaasi Hindiya  ayaa warbixin uu ka qoray xaaladda dadkaasi maxaabiista Soomaaliyeed, ku xusay in weli ay baaqi ku yihiin gudaha dalkaasi Hindiya, ayna ku nool yihiin meel dhanka Koonfureed kaga aadan magaalada Mumbai ee dalkaasi.



Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay jiraan maxaabiis kale, kuwaasi oo gaaraya 27 qof,waxaana qorshuhu uu yahay in mar qura ay dalkaasi ka soo baxaan dhamaantooda.

Hindiya ayaa qabatey muwaadiniin Somali ah kana qabatey badeena.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS