Bulshada dhibta abaartu haysato iyo weliba dadka kale arrimaha maaliyadda falanqeeya ayaa su’aalo badan ka keenay hab-dhaqanka guddida abaaraha, waxana dhaleecaynta ugu weyn ee guddidan loo hayo marka laga yimaaddo nidaamkooda maamul ay tahay inaanay haba yaraatee haynin wax xisaab xidh ah.
Oo la xidhiidha lacago malaayiin dollar gaadhayey iyo hanti kale oo badan oo gacantooda soo gashay xilligii ay gobollada AWDAL abaarta darani ka jirtey oo gudo iyo dibadba gurmad badan laga sameeyey, isla-markaana iyaga oo lacagahaas weli gacanta ku hayo roobabkii da’ayeen oo abaartii jabtay.
Guddidan ABAARTA oo u badan ganacsato, culimo iyo weliba xubno xukuumadda katirsan, ayaa ilaa iyo haatan afkooda ka sheegin meesha ay martay, qaabkii ay u baxday, habkii ay u maamuleen iyo weliba qaddarka lacaga ah ee kasoo hadhay lacagihii xilligaas hore gacantooda galay iyo raashinkii badnaa ay la wareegeen, taas oo shaki gelisay xallaafnaanta(transparency) gudidda iyo weliba nidaamka ay lagacaha u maamulaan.
Bulshada inteeda badan waxa ay su’aalo badan gelisay halka ay ku baxday lacagihii xad-dhaafka ahaa ee dawlada Soomaliya kamid tahay umadda ku caawiyeen xilligii abaartii gobollada galbeedku taagnayd oo guddida abaaraha lagu wareejiyey, tii umadda lagaga ururiyey, tii mushaharka shaqaalaha laga jaray iyo tii xukuumaddu bixisay oo aan midnaba wax xisaab xidh ah marnaba laga haynin.
Guddida abaaraha, ayaa iyagu diiday inay umadda ka qanciyaan halka ay martay lacagtaasi iyo weliba habka ay u maamuleen, waxana hoos usii socota kalsoonidii bulshadu ku qabtay guddidaas, waxana xusid mudan in xilligii abaarta hore taagnayd ee tiro badan oo bulshada kamid ah lacago wax tarayey ku shubeen telefoono guddidu gacanta ku haysay, balse haatan waxa muuqata inay dadku guddida uga fadhiyaan jawaabta su’aalo la xidhiidha halka lacagtoodii hore la geliyey iyo sida baaqigii abaarta hore loo maamulay maadaama abaartii jabtay xilli ururintii lacagtu socoto.
Xukuumadda ayaa maalmihii ugu dambeeyey qaylo-dhaan laxaad kasoo saaraysay xaaladda abaareed ee gobollada Sool iyo Sanaag waxana madaxtooyada ku xaraysnaa xubnaha guddida abaaraha ee hore madaxweynuhu u magacaabay, kuwaas oo ay weli akoontooda ku dhacayso lacagto malaayiin Dollar ah oo xukuumadda iyo ganacsatada waaweyn qaarkoodba laga ururiyey.
Dorraad oo Arbaca ahayd waxa ay xukuumaddu guddidan ku wareejisay lacag Hal milyan oo Dollar ah, halka maalintii shalay oo khamiis ahayd isla xarunta madaxtooyada oo ay guddidu joogtay xubno ganacsato ahi kaga yabooheen $1,035000(hal milyan)oo dollar oo lacag kaash ah iyo raashin iskugu jirta, taas oo si toos ah ugu dhici doonta gacanta guddida abaaraha, isla-markaana ay iyagu maamuli doonaan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay