November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dhaqamo qosola oo lamaaneyaasha is guursanaya laga rabo inta aan la aqbalin guurkooda: maxaa ka mida

Lamaanaha is guursanaya Somali ahaan waxa dhacda in marka labada lamaane ku heshiiyaan guurka inta hadhay in loo dhaafo qoyska labada lamaane in ay dhameeyaan laakiin maanta waxaan ka hadlaynaa dhowr dal oo marka lamaanuhu is guursanayaan ama ninku jacaylkiisa u soo jeedinayo guur waxa la is yiraahdo iyo noocyada la maro.

Aan ku horeyno dalkaasi yar ee FIJI ee ku yaal qaarada Austeraliya.

476895869[1]

Halkan lamaanaha is jecel ee guur u diyaara waxa dhaqan u ah in ninka guursanaya jecelykiisa uu marka hore soo maro gabadha aabaheed una geeyo nibiriga iligiisa inta aan loo ogolaan. Sawirka sare waa xeebta FIJI.

couple[1]

GAANA: halkani ninka adeerkii iyo hooyadii ayaa u tagaya jacaylkiisa reerkooda una sheegaya in ay gabadhooda la rabaan wiilkooda kadibna halkaas ayaa lagu dhameeyaa. Sawirka kore lamaane u dhashay Gaana.

469241836[1]

SCANDINAVIA: wadamadan oo ay ku jiraan Norway, Sweden iyo Denmark inta badan waxa ka tagtey xundhurta qoyska waxa bedelay naagta guursanaysa oo wax dhalaalaya gacanta la hesha kadibna ninka iyo naagtuba waxay xirtaan fargal waxase dheeraada in maalinta guurka ay xirtaan fargal weyn oo loo yaqaan fargalka hooyanimada. Sawirka sare waa guryaha wadamadaas.

177651192[1]

KIINIYA: qabiilada Kiiniya waxa cajiiba in ninku aanu ka walwalin diidmo kaga timaada gabadha uu jecelyahay waxana uu u diraa tusbax furan, haddii markaas tusbaxaas furan aan la soo celin waxay ka dhigan tahay in jacaylkiisu u diyaar tahay guur. Haddii qoyskuna ogolaado waxa gabadha la siiyaa alaab quruxbadan. Sawirka kore waa fardaha Kiiniya.

BMF66N[1]

Ugu dambeyn waa SHIINAHA: Dalkaasi Shiinaha labada lamaane ee is guursanaya waxa loo eegaa digaagad beerkeed. Waxa la qalaa digaagad haddii beerkeedu caafimaad qabo waxa la diyaariyaa maalinta guurka haddii uu beerkeeda xanuunsanayo guurkaasi majiro ilaa inta helayo beer fayow waxana soconaya qaliinka digaaga. Sawirka kore waa qabiil DAUR ee isticmaala dhaqankan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS