X

DHAQAN GEDI IYO CAADO KU SOO BIIRAYA GAS (AWDAL GABILEY IYO SELEL)

Waxa gobolada galbeedka lagu yaqaan xadaarad, xishood, xushmad iyo xeer Samaroon guud. Taas oo hormood u ah degaanshaha bulshada beeralayda ah.  Dad xeebeednimada xeebaha Zaylac iyo hoygii waxbarashada taasi waxay inaga xakamaysay nidaamka  qabyaalada sida xun
loo isticmaalo oo ah nin jeclaysi iyo nin nacaybsi ku salaysan qabyaalad.

Waxan se jiray qabiiloo aan u isticmaali jirnay hala isku garto. Biryahan waxa hilaacay sadexdii dhardhaar oo baalaha la soo baxay  taasi waa tu kala qaybin ku dhalinaysa dhalinta isku duuban ee qalbiga furan.

Waxan warbaahinta mareegaha leehay virueska qayaalada ha laga buufiyo dalka. qabiilkuse waa astaan aqoonsi.

hab gobol iyo degmo ayaa mustaqbalka dhaw looga guuri doonaa sida Booramaawi, Zaylacaawi Lughayaawi Dilaawi Bakaawi  Qaadiri Boonaawi, Araaboowi, Qunjaawi iyo jufaawi.

Waxa kaloo inaga xeernaa garnaqsi shaashadaha liveka ah arimaha biri ma geydada ah shaashadu ma aha maxkamad  xeer ilaaliye iyo garyaqaan ama afookaata.

Wixii dhiiga dhaawac  khilaaf wuxu lahaa hab lagu xaliyo sida xeer beegti gole oo goysa mag mawlaxo iyakoo  ku dhisan muddayen.
taasi haday maarayn weydo wuxu u gudbaa maxkamada iyo nidaam maamul.

Waxa la yidhi gacmo geel hoosbaa loo dhaqaa ee laga quruxbadan in wixii tabasho ah shaashada la isku mariyo.

Taasi waa karaamo jab bulshada galbeedka  waana dhaqan guur in haldoorkii bulshada iyo hoygii aabaha tacliintu shaashadaha isku mariyaan cambaarayeyn. dhaqanka xeerka iyo xididka idinka dhexeeyaa ogol gole tolnimo ee bedela tolkayow habkaa aan fiicnayn.

Gogol iyo garbaad ku dhamaysan kartaan wixii xurguf ah dadku waa dad walaalo ah ee yan anshaxa la dhaawicin. waxgaradkuna waa cuqaashii iyo odayaashii qiimaha noogu fadhiya camuudna waa hoygeenii iyo inamadeeni odayaasheeni iyo profesorkeenii ee arinka geedka hoostiisa
dhiga oo dejiya.

Waxana dhaqan inooma aha ee dhaafa dacwad shaashad iyo hawo tahdiidka. dhaqankeenii suubanaa ee geedkii sogsoglay haloo noqdo iyo garnaqsi goleedkii dhalintana ha inaga dhaxlaan. dhaqankeenii suubanaa ee balanteenu waa garnaqsi tolnimo iyo tudhaale
tol.

RABOOW SIDA KHAEYRKU KU JIRO
AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN
WALAAHU WELIYU TAWFIIQ

Musa aw Hassan Lodoon
Awdali Dubai.

admin:

This website uses cookies.