X

Kii ku magacownaa cadaalada oo isagii boobayo kursigeyaga: Gabooyaha oo ka qayliyay cadaalad xumo

Suldaanka Gabooyaha ee Woqooyi Galbeed ayaa ka qayliyay cadaalad xumo uu kula kacay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ku magacaaban gudiga cadaalada ee barlamaanka maamulka Siilaanyo.

Suldaanku wuxuu sheegay in intii uu jirey maamulka Hargeysa in sanadii 1997 la siiyay kursi ay ku helaan hanaankii qabaliga laakiin 11 sano oo is doorasho jirtey ay iyagu ka seexdeen.

Hadase ayuu yiri ay soo jeedaan oo hal kursi oo lahaayeena uu qaatay Siciid Cilmi Rooble oo ay isku jufo yihiin C/raxmaan Ciro. Suldaankan Gabooyaha ayaa sheegay in la iska ilaawo ictiraaf dadkale idin siiyo inta lagu tumanayo xuquuqda dadka Gabooyaha.

Wuxuu sheegay in golaha barlamanku cod aqlabiyada ku ansixiyay in kursigaas ay leeyhiin Gabooyuhu hadase waxa mashaakila nij isagi qaldan oo hadana sheeganaya in uu wax saxayo.

Waan naqanaa sida shandadaha loo qaato looguna talo beesha caalamka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.