X

Dhaqtar Siiriyaana oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar argagixiso

Afar cisho kahor ayay ahayd markii argagixisada shabaab qarax ugu xirtey gaari ay wateen dhaqaatiir Suuriyaana oo kubad ku ciyaaraayay meel aan ka fogeyn dhaqtarka ay ka shaqeeyaan ee magaalada Muqdisho.


Muhanad wuxuu ka mid ahaa dhaqaatiirta ku dhaawacmey ee qaraxaas argagixisada uu ka haleelay lug iyo gacan. Dhaqtarka ayaa waxa ka go’dey lug iyo gacan waxana afartaas cisho lagu dabiibaayay dhaqtarkii uu ka ahaa dhaqtarka.


Waxase la xaqiijay inuu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray lugta iyo gacanta. Dhiigmiiratada kooxda gaalaynta oo aan inta badan sheegan dilalka ay u yaqaanaan kuwa yaryar ayaa iyagu beegsada cudkasta oo mugiim u ah ummada.


Qoyska Muhanad ayaa la sheegay inay soo gaareen Muqdisho aadna uga xumaadeen dhaqtar aan waxba galabsan oo maalin cad la beegsado.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.