X

Waa leygu wareejay maamulka hadana waxaan rabaa caleemo-saar

Somaliya waxay caado ka dhifatey in maamul ama xukun lagugu wareejiyo laguuna saxiixo hadana aad dhifato caleemo-saar. Erayga Caleemo-saar ayaa shaqo ku lahayn dhaqanka Somalida iyo kan Muslimiintaba, wuxuu ka yimi sida la ogyahay gaalada kuwa kaniisada ilaa markii dambana uu ku faafay Maraykanka.


Inkastoo Somalida halkaas ka koobigareeyeen caleemo-saar ayaa hadana wuxuu noqdey mid aan ku habooneyn xaalada hadda dalku ku Jiro oo kumanaan Somali ah daadsan yihiin meelkasta ayagoo aan haysan cunto ay cunaan iyo hoy ay galaan.

Hadaan Somalida wax u sheegi lahaa waxaan oran lahaa ka waantooba waayo khasare mooyee faaiido kama soo gasho ummadda Somaliyeed.


Caleemo-saarka madaxa Puntland oo ah kii ugu dambeeyay waxaad moodaa inuu ka duwan yahay kuwii hore waxayna u egtahay in madaxa cusub Deni welli aanu go’aansan inuu raaco wadadii Cabdiwelli Gaas iyo inuu ka shaqeeyo danta reer Puntland.


Marka laga kala dareero goobta waxa kuu soo baxaya inuu cidla taagan yahay oo Puntland waxba u soo kordhin ilaa u is muujiyo. Somaluya ma jiro mucaarad saxa oo diiwan gadhan, waxase dhici doono in shaqsiyaad ay fursadaha nooca is yiraahaan gool dhasho inkastoo taas waxba ka bedeli karsyn sitaadada jirta ee dawlada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.