Waxaan shaki ku jirin inuu dunida si aada ugu faafay cudurka Kooro oo kolba la baranayo sida uu ku faafo iyo weliba siyaabaha looga hortago. Dalalka waaweyn ee dunida ayaa waxa ku yar qalabka hawo-siinta iyo qalabyada kale ee loo baahan yahay in la xirto si aanad uga qaadin qofka qaba.
Haddaba ayadoo inta badan hadda aan ognahay calaamadaha hargabka Kooro sida loo kala qaado iyo sida looga taxadarayo, waxa muhiima inaad ilaaliso halka aad warka Kooro aad ka heli karto ama aad ka dhegaysan karto.
Waxa muhiima in aad raacdo talada dawladu siiso dadkeeda waayo ayadaa wax badan og ugu yaraan maadaama ay ku shaqaynayso kharashaadkii ay dadka ka aruurisay. Waana muhiima in qofkasta raaco taladaas bulshada dhan u faaiidada ah, intaas wixii dhaafsana aad RABIGAAGA talada saarato.
Khatarta ay leeyihiin dhegeysiga idaacadaha gaalada oo dhalinyar aan caqli ku filan lahayn ay soo xigtaan ama markay dhegeystaan sii faafiyaan waxay leedahay KHATARTEEDA waayo inkastoo aad war ka helayso haddana waxa maqan tii diinta, waxayna warka u soo gudbiyaan cabsi CUDUR maadama ayna diin lahayn halkii ay ahayd in RABI laga baqo.
Waxaad arkaysaa ayagoo ku waramaya in malaayiin dhiman doonto ama wadan hebel nus milyan dhiman doonaan, waxaad is weydiin kartaa adoo muslima ma qaadan kartaa warkaas mase sii faafin kartaa.
Waxa dunida ka buuxa in dadka masaakiinta ay ku dhacdey NAXDIN ka weyn cudurka Kooro ama qaarkood qaadeen cuduro kale intey ka gashay cabsida Kooro. Wacyi gelintuna waxay ka mid tahay kobcinta ummada laakiin markaad war gaalo markasta faafiso, aakhiro jawaabteeda ma haysid.
Idaacada Ingiriiska ee BBCSomali maaha idaacad Muslim ee waa idaacad ku hadasha afka gaalada iyo sidey aaminsan yihiin, waxa la mida mida Maraykanka ee VOASomali laakiin waxa intaba jooga Somali akhriya war loo soo diyaariyay. Waxayna fursad u heleen dal burbursan kadibna u akhriya waxay rabaan.
Waana muhiim inaanad faafin war khalkhala ama lahow mareeg, yuutuub, ama toos u gal baraha bulshada inaad iska hubiso mooyee in warkaas diinteena ku haboon yahay iyo in kale.
Xilligan lagu jirana waxa muhiima in taxadar weyn laga sameeyo warka aad faafinayso, maadaama warka Somalidu inta badan uu yahay mid la soo xigtey.
Maxaa la gudboon qofka Muslimka ah xilligan
Waxa qofka Muslimka ah HUB weyn u ah xilligan oo kuĀ filan inuu RABIGIIS ku kalsoonaado, ogaadana in cudur iyo caafimaad labadaba gacantiisa ku jirto. QADARKA RABI kuu qoreyna waxa bedesha ducada. Intaas markaad ogtahay oo aad raacdo talada dawladaada HUB ka fiican oo kaa maqan ma jiro.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay