X

Dhiigmiiratada Daalibaan way ka fog-yihiin inaan aqoonsano: Bakistaan

Raiisal wasaaraha Bakistaan ayaa sheegay in dalkiisu ka fog yahay inuu aqoonsado dhiigmiiratada Daalibaan ee Marayanku uga cararay Afqaanistaan. ”Aqoonsiga dhiigmiiratada Daalibaan waxay noqon doona mid si isku mida aan u qaadno anaga iyo wadamada jaarka ah ayuu yiri Cimraan Khaan.


Dhiigmiiratada ayaa mamnuucay inay haweenka tagaan dugsiyada sidaana ku jebiyay diinta Islaamka. ”Haba yaraatee diinteenu shaqo kuma laha in haweenka la dhigo waxbarasho la’aan ayu raaciyay.

Bakistaan iyo wadamada la jaarka ah Afqaanistaan ayaa go’aan ku gaaray inay dhiigmiiratada waqti siiyaan oo ayna aqoonsan ilaa la dhisayo dawlad xalaala oo dalku yeesho oo wada matasha dhamaan qowmiyadaha.


Ilaa hadda hal qowmiyad oo Bakistaan ku xiran ayaa isku casuuntey xukunka. ”Ficilada ay ku dhaqaaqeen waa mid diinta ka fog waxaanse rajaynayaa in gabdhuhu dib ugu noqdaan dugsiga ayuu yiri Cimraan Khaan.


”Waxaan aad uga walwalsanahay halista ka soo socota Afqaanistaan haddii aan la helin dawlad lo dhan yahay ayuu yiri Cimraan Khaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.