X

Dhiigmiiratada shabaab oo ku faantey xasuuq ay ka gaysatey Boosaaso

Wararkii u dambeeyay ee ka imaanaya xarunta ganacsiga ee Butlaan ee Boosaaso ayaa sheegaya in dhiigmiiratada shabaab ay ku xasuuqday ugu yaraan 3 qof halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.


Dhiigmiiratada xalaashatey dhiigeena ayaa ku faantey xasuuqan isla markiina hore ka sheegatey. Goobta ay qarxiyeen ayaa ah maqaayad lagu shaaheeyo laakiin dhiigmiiratadu ka xuntahay nolosha dadkaas ku jireen.



Maaha markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay dhiigmiiratadu dad shacaba u xalaashato dhiigooda. Daraad ayay ahayd markii ay oday da’ah ku dileen magaalada Muqdisho weliba isaga oo leh war maxaad iga dileysaan.

Odayga ayaa da’diisa lagu sheegay 80 jir ugu yaraan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.