X

Dhiigmiiratada shabaab oo xasuuqay shacab ay ku jiraan wadaado Quraan saar

Dhiigmiiratada shabaab ee ku quraacda kuan qadeeya dhiiga Muslimiinta ay gaaleeyeen ayaa miino ay ku aaseen wadada ay ku qarxiyeen dad shacaba oo ay ku jiraan wadaado Quraan saar u socday.


Xasuuqan ayaa ka dhacay gobolka Bakool gaar ahaan meel aan ka fogeyn magaalada Xudur. Dadkan ayaa saarnaa gaari Hindiga loo yaqaan Bajaaj oo aad arki karto in aanu ahayn mid milatari.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatey oo isugu jira dad la socday Bajaajta iyo kuwo ag marayay wadada sida ay xaqiijeen goob joogeyaal ka ag dhawaa goobta xasuuqa.


Culimada Quraan saarka u socday ayaa la sheegay in laba walaalo yihiin, waxana dhamaantood dadkaas lagu aasayaa isla deegaankaii ay ka soo kicitimeen.

Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu sidan oo kale u xasuuqdo dadkeena. Masuuliyiinta gobolka ayaan weli ka hadlin xasuuqan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.