X

Falkii wuxuushnimada ahaa ee loo gaystey Xamdi Faarax halkuu sal ku leeyahay

Waxa ummada Somaliyeed ee caqliga u saaxiiba aad ula argagaxdey dhacdadii ka dhacday Muqdisho halkaas oo gabadh 19 jira laga soo tuurey dabaq kufsi kadib. Markaad fiiriso taariikhda Somalida waa dhaqan ka baxsan dhaqanka suuban ee Somalidu leedahay marka xagaa dhigto kan diinteena oo meelna uga jirin.


Waxa kufsigu xoog u batey burburka kadib waxana dadka badankoodu ku maneeyeen amarka iyo kala dambeynta oo burburtey iyo weliba dhaqankii adkaa ee ahaa haddii gabadh la kufsado in la edbin jirey amaba la dili jirey qofkaas.

Haweenku sida raggu xaq ugu leeyihiin inay baxaan ayay iyaguna xaq u leeyihiin taas maaha mid doodu ka taagan tahay, waxase doodu tahay halkee dhaqankani ka soo geli karaa dhalinta.

‘Waxaan qabaa inuu inooga yimi dibedda qaasatan filimada gaalada, kuwa sanam caabudka ee Hindida iyo kuwa Turkida ayuu yiri  Cali Calasow. Waxa nasiib daro ah in Somalida lafteedu hadda bilowdey filimo noocaasa oo aan ka turjumeyn dhaqanka jira.


Wadan weliba wuxuu jilaa dhaqamada dadkiisa ka dhex jira. Inaga dhaqankeena oo diinta ku qotoma kama jiraan haween wax loo dhimo, waxaba dhaqan inoo ah in haweenkeena aan siino ixtiraamka ugu weyn.

Wuxuushnimada kuwa falkan gaystey oo caqli iyo diini ka dheertahay ayaa waxa deg-deg loogu baahan yahay in qoorta loo dheereeyo.


”Waxaan la yaabay sida madaxda uu ugu horeeyo Farmaajo uga aamusan yahay kuwo kalaba ma jiraane falkan qayra caadiga. Waxaan amaanayaa xubno ka mida barlamaan oo ka kacay arintan. Waxaan hore uga gariirney falkii loogu gaystey Gaalkacayo Caasha oo markii dambe cadaadin kadib la sheegay in la diley eedaysayaashii.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.