X

Dhiigmiirato oday salaada subax ka soo baxay ku diley Muqdisho

Waxa saakadii hore magaalada Muqdisho lagu diley oday ka mida ahaa dadka xaafada Dharkeenlay ee magaalada Muqdisho oo iska xoogsan jiray xilli uu ka soo baxay salaada subax. Dadka deegaanka ayaa ka naxay dilkiisa.

Dhiigmiiratada dishasy ayaa goobta ka baxsaday isla markiiba kadib markii ay ugu dhuunteen luuq. Dilalka noocana waxa lagu yaqaan dhiigmiiratada Muslimiinta gaaleeya ee Shabaab oo iyagu aan tukan laakiin dadka ku horsuga masaajida.

Booliiska Muqdisho ayaa ninkan odayga ah ku sheegay Xaaji Xasan Shiino oo ka mid ahaa dadka dilaalayda ah ee degmada ka xoogsada. Dhiigmiiratada shabaab oo inta badan aan sheegan dilalka ay u arkaan kuwa yaryar maadaama qofka la diley aanu ahayn qof caana ayaa ujeedada weyn ay tahay in masaajida loo dayo.

”Runtii dadka badankiisu waa u daayeen masaajida ayuu yiri Cali Calasow. Waxayna ka muuqataa sida masaajidu ayna u camirnayn.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.