21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dhiigya cabka shabaab guuldaro wayn ayaa ku dhacday hadda i arka ayay joogaan: wasiirka amniga iyo sidii weerarku u dhacay

Muqdisho–Wasiirka amniga ee dawlada Somaliya oo shir jaraaid qabtey ayaa ka waramay sidii xasuuqii dhiibya cabka shabaab u dhacay iyadoo uu sheegay in hadafkii weynaa aan la gaarin dhiigii ay daadiyeen. Wasiirka ayaa ka waramay inta qof ee ku dhimatay weerarkaa fuleynimo.

Wuxuu sheegay in “weerarkan Argagixiso waxaa ku geeriyooday labo ka tirsan ciidankii Ilaalada ka ahaa Wasaarada, 8 qof oo shacab ah oo salaada duhur ugu socday Masaajid ku dhegan darbiga gaarigu ku qarxay, iyo 7 kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday. Waxaa isla markiiba la howl galiyey Gawaarida Gar Gaarka Caafimaadka iyadoo ciidamada khaaska ah ay bilaabeen iney ka daad gureeyaan goobta dadkii ku dhaawacmay.

Weerarkan wuxuu ahaa mid lagu guul daraystay oo aan laga gaarin ujeedkii laga lahaa, wax yar kadib weerarka Argagixiso, ciidamada amniga ayaa goobta gaaray, waxayna xireen dhamana wadooyinka soo gala Wasaaradda, iyagoo ku guulaystey iney gudaha u galaan si baaritaan loogu sameeyo xarunta uu weerarku ka dhacay”

Wuxuu balanqaaday in warbixin buuxda laga soo saari doono sida ay wax ahaayeen xilliga weerarku dhacay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS