Sucuudiga ayaa eedeeyay xujaajta ka timi Afrika sheegayna in ay raaci waayeen dariiqada loo dejiyay iyadoo dadka hadda dhintey ay gaarayaan 717 qof kadib markii la isdul fuulay oo midba midka kale naqaska ku dhejiyay. Sucuudiga ayaa sheegay in xujaaj u badan wadamada Nayjeeriya, Senegal iyo Niger ay u badan yihiin kuwa ku dhintey goobta.
Sida Sucuudigu sheegay xujaaj ayaa u socotey dhinaca Mina ama Jamarat-ka si ay dhagaxa ugu tuuraan halka kuwo kalena ay ka soo socdeen dhinaca kale kadibna ay dhacdo in koox ka mida ay dhulka ku dhacaan kuwa kalana intii ay joogsan lahaayeen ay ku dul tunteen kuwii dhulka ku dhacay.
Dadka dhintey ayaa waxa ku jira hooyo iyo gabadheeda. Sucuudiga ayaa sheegay in ay luntey amar kala qaadashadii taasina ay keentay in laysku dul tunto.
Dhinaca kale Iiraan ayaa sheegtay in wado ay mari lahaayeen xujaajtu ay xireen Sucuudigu taasna ay keentay in laysku dul tunto.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
![12033222_1004617082911198_2484673159579138189_n[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/12033222_1004617082911198_2484673159579138189_n1.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay