X

Dhimasho ka dhalalatey gaari daad isku qaadey bariga Hargeysa

Dhimasho ka dhalalatey gaari daad isku qaadey bariga Hargeysa gaar ahaan tuulada AW-Barkhadle. Inta la xaqiijay hal qof ayaa ku dhintey markii gaari xamuul siodey xariif iska dhigey.



Dirawalada wada gawaadhida ayaa ah qayro masuul moodeyna arimaha sidan oo kale ah geesinimo. Waxayna iska indha tiraan khatarta daadadku leeyihiin iyo waanada booliiska.



Guddoomiyaha tuullada Aw-barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr, ayaa warbaahinta u sheegay in daad xoog leh oo ka soo rogmaday dooxa Aw-barkhadle uu la tagay Baabuur nooca loo yaqaano waaraadka ah oo siday khudrad kana yimid magaalada Berbera.

Qofka geeriyooday ayaa lagu Magacaabi jiray Marxuum-Maxamed Cabdilaahi (Ina Caga-saydh) kaasoo oo ay ka heleen goob shan kiiloo mitir u jirta tuulada Awbarkhadle Meydkiisa Ciidamada Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.