X

Dhimasho ka dhalatay duufaano ku dhuftey Puntland

Dhimasho ka dhalatay duufaano u dhuftey Puntland. Maanta oo Jimce waxa gobolada Woqooyi Bari iyo kuwa Galbeed ee Somaliya ku dhuftey duufaano ay la socdaan dabaylo xoogan.

Laba qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa la’yahay, kadib markii gaari nuuca raaxada oo ay ku wateen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garoowe uu ku helay roob wata Duufaano.



Labada nin ee geeryootay, iyo kuwa xaaladoodu daran tahay ayaa howlgal lagu soo saaray, halka mid kalena ilaa hadda la’yahay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo ayaa waxa uu sheegay in tog weyn uu ku soo fatahay meel aan sidaas uga fogeyn degmada, midaasina ay sababtay in ay wadada ku xayirmaan gaadiid ka badan 500.



Duufaanta ku dhufatey gobolada Puntland ayaa ah roobabkii Mansoonka ee cadiyadan ka da’ Hndiya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.