X

Cabdiwelli Gaas oo booqdey dhaawaca dagaalkii Tukaraq: SAWIRO

Cabdiwelli Gaas ayaa booqdey dhaawaca dagaalkii Tukaraq ee Puntland la gashay maamulka Muuxe Biixi iyo jufooyinka Dhulbahante ee raacsan,



Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in  ay waxyeeladani soo gaartay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa aha, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda hooyo, welibana uu Allaah uga baryey in intii dhimatay oo dalkooda u shahiidayna uu Illaahay janadiisa kawaraabiyo.



Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qaysaday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.