Dhinac loo malaynayo in uu ka mid yahay diyaaradii Malaysiya ee laba sano kahor bishan Maarso sideedeedu la waayay ayaa laga helay xeebta dalkaasi Musambiig iyadoo dhinacaas la helay uu yaalay meel ciida oo ayna cidkale joogin. Waa dhinacii labaad ee la helo.
Diyaarada Malaysiya ayaa laba sano kahor ka kacday caasimada Malaysiya KL una socotey dalkaasi Shiinaha iyadoo saacad kadib ka baxdey khadka isgaarsiinta ugu dambeyna la xaqiijiyay in ay ku dhacday badda balaadhan ee loo bixiyay Hindiya.
Waxa raqdii ugu joreysay la helay sanadkii hore iyadoo dhinac ka mida diyaarada laga helay xeeb ay maamulaan Faransiisku oo ku taala badweynta Hindiya.
Dawladaha Malaysiya iyo Austareeliya oo iyagu wacad ku maray in ay helaan raqda diyaaradaas oo ay la socdeen 239 oo rakaaba iyo shaqaalaha diyaarada ayaa sheegay in la soo gabagabaynayo xagaaga soo socda.
Waxay sheegeen haddii dhinacan cusub ee la helay uu noqdo diyaaradii waxay muujinaysaa kaliya in aan ku socono wado saxa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![_88552016_mozambique2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/03/88552016_mozambique21-300x221.jpg)
![_88552014_mozambique1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/03/88552014_mozambique11.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay