X

Dhismaha ugu dheer Dubai ee loo yaqaan Tooshka oo dab qabsaday iyo hawada oo sii fidinaysa+MUUQAAL

Dubai–Dhismaha ugu dheer Dubai ee loo yaqaan tooshka ayaa dab qabsaday waxana jirta in hawadu sii faafinayso. Dhismahan ayaa ka mida kuwa ugu dheer dunida ilaa hadase lama sheegin sida dabku ku bilaabmey.

Kooxaha la dagaalama dabka ayaa la tacaalaya waxa weerar ku haya hawada oo hadda gaarsiisay dababyo kale. Dabka ayaa ka bilaabmay dabaqa kontonaad wuxuuna hadda marayaa dabaqa todobaatanaad dadka badankiisana waa laga daadgureeyay.

Dadka ayaa dibedda hoose ka daawanaya iyadoo burburka qaar uu hoos ku soo dhacaya. Dhismaha oo ah kan ugu dheer ee ay dad degan yihiin ayaa ah lala tacaalayaa. Dadka degan dhismaha dheer ayaa ku dacwoonaya in dhismuhu leeyahay qaybta dabka sheegta oo markasta qaylisa dadka badankiisuna u qaatay inay tahay qayladii caadiga ahayd.

Ku xidhnow sida wax ku dhacaan

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.