X

Dhoolatuska aan ka samaynay meel aan ka fogeyn Taywaan waa digniin: SHIINAHA

Ciidanka Shiinaha ayaa dhoolatus milatari ka sameeyay meel aan ka fogeyn jasiirada gooni goosadka ee Taywaan ee aan ku dhicin inay ku dhawaaqdo inay goosatay. Jasiiradan ayaa iskeed isku maamulaysay ilaa sanadii 1949 markii xisbigii Shuuciga ahaa uu eryaday hantigoosadka.


Taywaan oo ah jasiirad aad u xoogweyn ayaa waxa hubeeya suuqana u furey Maraykanka iyo wadamada reer galbeedka ayagoo raba inay go’aan, weyse ku dhici waayeen inay ictiraafaan baqdin Shiinaha ay ka qabaan awgeed.

Dhoolatuska Shiinuhu ka sameeyay meel aan ka fogeyn jasiirada Taywaan ayuu ula jeedaa Maraykanka oo hadda baray Taywaan mamulka Muuse Biixi.


Shiinaha ayaa uga digey Maraykanka inuu wax xiriira la yeesho jasiirada Taywaan, ayadoo madax ka tirsan Maraykanka ay booqdeen jasiirada. Booqashada madaxdu ku tagayso ayaa inta badan laga kuwo aan siyaasad ku jirin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.