X

Qaramada midoobay oo welli liqi la sharci islaamka ka soo horjeeda oo barlamaanku diidey

Waxay xilligii dalku ku jirey ku meel gaadh markii gaaladu weerar ku soo qaadeen dastuurkii dalka u yeelay kadibna keensadeen mid iyagu wataan oo si caadiya uga soo horjeda diinta iyo dhaqanka dalka.


Dastuur dhoodhoobkaas hadda loo yaqaan ku meel gaadhka waxa loo adeegsaday boqolaal kun oo doolar oo lagu bixiyay ama la siiyay odayaal waxna qorin waxna akhriyin. Waxana fuliyay fadhiid Sheekh Shariif iyo Cabdiwelli Gaas.

Waxa daaqada laga saaray dastuurkii qaranku lahaa oo caadiyan ka soo horjeeday sharciyada khaniiska iyo ninow naaga ee hadda caadi u noqday reer galbeedka.

Haddaba usbuucii hore ayaa barlamaanka Somaliya diidey inuu ka doodo sharci ku qoran dastuurkaa gaalada ee hadda lagu dhaqmo oo ku saabsanaa galmada. Waanan ognahay waxay diinteenu ka tiri galmada iyo wixii la xiriira,


Diidmada barlamaanku laalay sharcigaas ayaa waxa si WEYN uga qaylisay ugu horeyn wakiilada qaramada midoobey u jooga Somaliya oo weliba AMRAY in la soo celiyo ka doodista.

”Waxayna ku andacoodeen in XasannCali Kheyre ansixiyay sharci kan la mida iyo weliba in horjooge Siciid Deni isaguna meel mariyay.


Su’aasha qof Muslim ah is weydiinayo ayaa ah mar haddii loo jeedo in dastuur dhoodhoobkani diinta ka baxsan yahay ma doofar iyo wuxuu dhalo ayaa xalaala. Jawaabtu waa MAYA laakiin yaa soo hogaamiyay dalka ayaa ku hiortaala.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.