X

Dhulbahantaha aaga Burco oo dilay nin Isaaqa xilli berito la filayo in nabadayntii la sii xoojiyo

Qorilugud–Colaada u dhaxaysa Dhulbahante iyo Issaq aaga Burco ayaa sii xoogeystay xilli laba todobaad kahor la gaaray in si nabada lagu noolaado inkastoo marka dagaalku dhaco Siilaanyo geeyo ciidan u badan Gadabuursi oo u dagaalama. Saaka ayay Dhulbahante dileen nin Isaaqa kana soo jeeda jufada Siilaanyo ee Habarjeclo. Ninkan oo ahaa reer guuraa ayaa sida la sheegay xoolihiisa u soo biyo geeyay balay ku yaal Kalshaale halkaas oo lagu dilay.

Lama garanayo sida wax u dhaceen laakiin Magaalada Buuhoodle ayaa aad looga hadal hayaa dhacdadan oo aan farxad gelin  shacabka iyo odayaashii kasoo shaqeeyey labada beelood nabadayntoodda.

Mid kamid ah Gudiga Nabadaynta ee Buuhoodle u qaalibsan Wada hadalada labada dhinac ayaa  sheegay in arintaasi ay aad uga xun yihiin ahayna mid reer Buuhoodle filayey “Adeer waa arin aad u naxdin leh anagu hadda ma ogin sababta keentay lkn waxaan tuhunsanahay in nabada lagu carqaladaynayo aad baan uga shaki qabnaa arintaas”  ayuu yiri mid kamid ah Gudiga Nabadaynta

Mar wax laga waydiiyey Gudiga saamaynta arintani ku yeelan karto nabadaynta labada dhinac ayay sheegeen in wax is hortaagi karaa nabadda aysan jirin “Wax saamayn ah kuma yeelan doonto nabadda waana sii wadaynaa nabadaynta waa laga yaabaa dib u dhac inuu ku yimaado shirka oo dadka wax la yeelay Isqanciyaan lkn ma filayo in nabadu sidaas ku baabado” ayuu hadalkiisa raaciyey mid kamid ah Gudiga oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

Iskusoo wada duuboo dhacdadan ayaa niyad jab ku noqotay dhamaan waxgaradka gobolka Cayn iyo shacabka nabada jecel oo siweyn ugu diyaarsanaa ka qaybgalka shir nabadeed beri ka furmi lahaa Tuuladda Coodanle.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.