X

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada Majeerteen iyo Isaaq ayaa ugu dambeyn ku socda inay iska dulqaadaan heeryada ah jufo jufo kale maamulaysa ayuu yiri Xuseen Warsame. Xitaa kan Garoowe ee Majeerteen waa la liidaa weliba si xun ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Kacdoonka ka bilowday Laascaanood waa midkii lagu soo afjari lahaa jufo jufo kale maamusha, waxaanad moodaa in ISAAQ ay cantuugeen laf ayna liqi karin ayuu qabaa Xuseen Warsame.

”Waxa hadda taladu u taalaa garaadada Dhulbahante inay dhuuni qaatiga ka soo baxaan oo isku keenaan dadkooda. Waxa dhinaca kale fursad u soo baxday Koofur Galbeed inay si fiican u aargoostaan ayuu qabaa Xirsi Warfaa.



Waad ogeydeen sidii loo galay maatadii reer Koofur Galbeed ma qabo inay faraha laaban doonaan laakiin ay kaalin fiican ka gaysan doonaan sidii ay askarta horjooge Muuse Biixi u hubin lahaayeen inayna xabadi ka noqon ayuu raaciyay Xirsi Warfaa.

Si kastaba ha ahaatee kacdoonka Laascaanood oo ay wadaan dhalinyaro isku duuban ayaa ku dambeyn doona guul, waana isbedelkii ugu weynaa ee Somaliya ka dhaca muddo 10 sanno ah oo ay ka horeyso markii argagixisada laga saaray magaalada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.