Dhul-gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.0 xadiga dhulgariirka ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya labada badood ee Somaliya ee Cas iyo ta Hindiya. Waxa dhulgariirkan sheegay waaxda sahanka ee Maraykanka.
Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi bari ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka Bari kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 digrii oo ballac ah u fiday dhanka Woqooyi, halka dhanka Barina uu gaaray 50.449 digrii.
Meesha lagu qiyaasay in uu dhul-gariirkaasi ruxay, ayaa waxaa ku beegan buuraley u dhexaysa gacanka GARDAFU iyo degmada Qandala ee gobolka Bari, inkastoo aan weli xog sugan laga helin.
Degmada Bareeda ee GARDAFU’, waa degmada masaafo ahaan ugu fog degmooyinka Puntland, marka laga cabiro magaalada Garoowe.
Warar dheeraada lagama hayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay