November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dhuusamareeb oo laga madnuucay dhaqano urur diimeed caraba iyo kuwo Somali ah

Dhuusamareeb–Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa laga madnuucay hal dhaqan urur diimeed oo Somaliya oo dhan ku fidiya ee indha shareerta oo ay isticmaalaan urur diimeedyo ka jira carabta iyo dhaqanka niikada iyo jaamka oo laga ciyaaro qaybo ka mida gobolada Koofurta.

Nuur Cilmi, Taliye Ku Xigeenka Booliska Magaalada Dhuusamareeb, ayaa maanta sheegay in Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay ciyaaraha Jaamka iyo Niikada.

“Waxaan la lee yahay Niikada iyo Jaamka waa ka mamnuuc in lagu ciyaaro Magaalada Dhuusamareeb, sababtoo ah amni daro ayaa ka dhalan karta.” Ayuu yiri Taliye Ku Xigeenka.

Waxa kaloo uu yiri “Ciyaarta Jaamka oo kale goobaha lagu qabto waxaa isugu yimaado dad badan, way isku qaban karaan, way isku dhex dagaali karaan, waana wax liddi ku ah amniga.”

Dhinaca kale indha shareerta oo dhaqan urur diimeed inaga soo galay carabta ayaa iyana booliisku madnuucay iyadoo ay aminga ka soo horjeedo.

Taliye Ku Xigeenka, ayaa waxa uu ku hanjabay cidii lagu qabtaa iyadoo xiran niqaamka in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan, iyadoo markaasi lagu xaqiijinaayo xaaladda amni.

Wuxuu soo hadalqaaday mudadii Ahlu Sunna ay ka arrimineysay Magaalada Dhuusamareen in mamnuuc uu ka ahaa indho shareerka, tan iyo markii Dowladdu ay la wareegtayna ay dadku bilaabeen xirashada indho shareerka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM