X

Dick Advocaat oo markii sadexaad loo magacaabay tababaraha xulka Holland

Dick Advocaat ayaa markii sadexaad loo magacaabay tababaraha xulka Holland oo hadda khatar ugu Jira in at ka hadhaan isreeb reebka koobka aduunka ee sanadka dambe ee lagu qabanayo dalkaasi Ruushka.

Advocaat ayaa hore u ahaan jirey tababaraha Holland sanadihii 1992-94 iyo markale 2002-2004. Wuxuu kale oo ruug cadaa Advocaat soo tababaray xulalka Ruushka, Beljimka iyo Seerbiya.

Dhinaca Naadiyada wuxuu soo tabaray kooxda Fenebeche ee Turkiga oo uu hadda ka tagayo, PSV oo Faransiisa, Glasgow Rangers oo ka tirsan gobolka Soctland ee boqortooyada Ingiriiska, iyo Kooxda Sunderland ee Ingiriiska.

Advocaat ayaa waxa caawin doona ciiyaaryahankii Ruud Gullit ee meelsare soo saaray kooxda Ingiriiska ee Chelsea. Ruud Gullit ayaa siyaasad ahaan loogu dhiibin tababaraha xulka Holland.



Waxase la filayaa in uu kala wareego rug cadaa Advocaat oo 69 jir ah.

Holland ayaa qarka u saran in at ka hadho koobka aduunka ayagoo sanadkii hore u sdoo hixi waydey is reeb reebkii ciyaaraha Yurub.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.